Booliiska Somaliland oo xabsi dhigay wiil calanka Somalia ku labisnaa + Sawiro

0

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa saaka xabsiga dhigay wiil dhalinyaro ah oo ku labisnaa dhar calanka Soomaaliya ah.

Ciidamada ayaa badhtanka suuqa Hargeysa ka soo xiray wiilkan dhalinyarada ah oo ka tukaameysanay meel dhar lagu gado.

Deegaanada Somaliland ayaa waxa looga diyaar garoowaya xuska 18-May, taasi oo loo badinayo in Xukuumada Biixi u aragtay in wiilkan dhalinyarada ah uu kasoo hor-jeedo dowladnimada aan wali la aqoonsan ee Somaliland.

Ilaa iyo hadda ma jirto wax faah-faahin ah oo Laamaha amaanku ay ka bixiyeen xariga wiilkan dhalinyarada ah ee lagu soo xiray calanka Soomaaliya ee uu ku labistay darteed.

Si kastaba, Maaha markii u horeysay ee Xukuumada Somaliland ay xabsiga dhigto dad ku labisan calanka Soomaaliya, iyada oo muddooyinkii u dambeeyay uu sarre u kacay xariga Xukuumada Biixi kula kacdo dadweynaha ku nool Somaliland.

Leave A Reply

Your email address will not be published.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.